4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 9 , 2017
Cabdiwali Gaas oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish

 

Jimco, June, 09, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad  Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish kaddib dagaal culus oo habeen ka hore ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Bari oo ay ku dhinteen tiro badan oo ka tirsan ciidamada Puntland.

Waxaa uu madaxweyne Gaas ka tacsiyadeeyay geeridii askartii shalay lagu laayay dagaal ka dhacay deegaanka Af-Urur, halkaasoo xero ciidan oo ay lahaayeen ciidamada daraawiishta ay weerareen Al-Shabaab.

“Waxaan shacabka Puntland u sheegayaa meel kasta oo ay joogaan inay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhana ah burcad diimeedka ku soo duulay dhulkayaga”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in Puntland isaga filan tahay inay iska difaacaan kooxo uu sheegay in ay ku soo  duulleen deeganada maamulkiisa.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda federaalka iyo  beesha caalamka in ay ku taageeraan Puntland dagaalka adag ee ay kula jirto argagixisada oo uu ula jeedo Al-shabaab iyo kooxaha sheegta in ay ka tirsan yihiin Daacish ee ka dagaalama Puntland

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay 61 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ku dileen dagaal ka dhacay deegaanka Af-urur, waxaana ay ku furteen saanad milateri oo ay ku jiraan gaadiid dagaal.

Hasse ahaatee sheegashada Al-shabaab waxaa beeniyay Puntland oo sheegtay in tiro intaa la eg oo ciidamo ah loogu dilin dagaalkii Af-Urur.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]