4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2017
Muqdisho : Guddoomiye waaxeed ku dhintay iska horimaad dhaxmaray ciidamada dowladda

 

Jimco, June, 09, 2017 (HOL) – Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa degmada Kaaraan oo lagu magacaabo jiray Cabdi Maxamed Dhagey ayaa la sheegay in uu ku dhintay dad kalana ku dhaawacmeen, kaddib iska horimaad dhaxmaray ciidamada xasilinta ciidamada iyo rag ka tirsanaa militariga dowladda Soomaaliya.

Iska horimaadka ayaa dhacay kaddib markii sida la sheegay ciidamada xasilinta loogu yeeray in ay wax ka qabtaan rag ku labisnaa dareyska militariga dowladda Soomaaliya oo qalalaase ka abuuray goob lagu qeybinayay raashin gargaar ah.

Ciidamada ayaa markii ay goobta tageen ku amray ragga goobta qalalaasaha ka abuuray in ay hubka dhigaan kuwaa oo la sheegay in ay diideen, taasoo keentay in labada dhinac is rasaaseyn dhaxmarto.

Ciidamada xasilinta caasimada ayaa waaydii ugu danbeeyayba ka wada magaalada Muqdisho howlgalo lagu xaqiijinayo amniga, iyaga oo si gaar ah u bartilmaameedsada dadka hubka ku dhax sita caasimada oo laga mamnuucay in hubka lagu dhax qaato.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]