4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 9 , 2017
Rag ka tirsan Al-shabaab iyo walxaha qarxa oo lagu soo bandhigay Degmada Doolow


Jimco, June, 09, 2017 (HOL) –Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubaland ayaa degmada Doolow ee gobolka Gedo kusoo bandhigay afar nin oo ay sheegeen in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab iyo walxo ay wasaaraddu sheegtay in laga sameeyo qaraxa.

Raggan ayaa lagu eedeeyay in ay ku howlanayaan in walxaha qarxa ay ku dhex farsameeyaan magaalada Baladxaawo, si ay qaraxyo uga geystaan gobolka Gedo.

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubaland C/rashiid Xasan C/nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raggan gacanta lagu dhigay ayagoo mid kamid ah xaafadaha magaalada ku qarinaya walxo laga sameeyo qaraxyada.

Waxa uu xusay in ay qirteen in ay ku howlanayaan falal amniga liddi ku ah, ayna doonayeen in ay qaraxyo ka geeystaan gobolka, isagoo mahadcelin u jeediayy ciidamada ammaanka degmada Baladxaawo ee gacanta kusoo dhigaan raggan.

"Waxaa cajiib ah in raggan oo awoodi waayay in ay dibadda qarax uga keenaan magaalada oo ku fakaray in ay magaalada ku sameeyaan," ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu ka codsaday dadka shacabka ah in ay maamulka kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa falalka ay qorsheeynayaan dagaalyahannada Al-shabaab.

Waxa uu ka codsaday shacabka in ayan tirsan qof Shabaab ka tirsan isagoo yiri; "Waxaan dhihi lahaa nimanka dhagar qabaeyaasha ah ma ahan ehelkiina iyo wiilashiina, waxaa wiilashiina iyo ehelkiina ah kuwa idin waardiyeeynaya."

Ma ahan markii ugu horeeysay oo degmada Baladxaawo lagu qabto walxaha qarxa, hore ayay sidan oo kale ciidamadu gacanta ugu dhigeen qaraxyo ay sheegeen in la doonayo in la geliyo dalka Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.