4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 9 , 2017
Dowladda Qadar oo sheegtay in cadaadsika la saaray uusan waxba ka badali doonin siyaasadaheeda arimaha dibadda

Jimco, June, 09, 2017 (HOL) – Wasiirka arimaha dibadda dalka Qadar ayaa sheegay in aysan weligood ka arag cadaawad lamid ah tan ay dalalka carbeed ku sameeyeen xitaa dal ay cadaw yihiin.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Qadar aysan isu dhiibi doonin cadaadiska ay saareen dalalka carbeed ee ay deriska yihiin, islamarkaana aysan badali doonin siysaasaddeeda madaxa bannaan ee arimaha dibadda si ay ugu xaliso doodada jira.

Sheekh Maxamuud Bin C/raxmaan Al-Taani ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Dooxa maalintii Khamiista, maalmo kadib markii dalalka Baxrayn, Sacuudiga, Masar, isu tagga imaaraadka carabta iyo dalal kale oo carbeed ay xiriirka u jareen Qadar.

Waxay ku eedeeyeen dowladda Qadar in ay taageerto kooxo hubeeysan iyo dhinacyo ay cadaawad kala dhexeeyso dowladaha carbeed, wallow dowladda Qadar ay arimahaasi ku tilmaantay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

“Diyaar uma nihin in aan is dhiibno, mana dhici doonto inaan ka tanaasulno siyaasaddeena madaxa bannaan ee arimaha dibadda,” ayuu yiri Sheekh Maxamuud Bin C/raxmaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in amiirka dowladda Qadar Sheekh Tamiim Bini Xamaad Al-Taani uusan ka tagi doonin dalka oo ay go’doomiyeen dalal carbeed, islamarkaana ka qeybgali doonin kulan dhexdhexaadin ah oo uu wado madaxweeynaha dalka Mareeykanka Donald Trump oo ka dhici doona Aqalka cad.

Sheekh Max’ed Bin C/raxmaan ayaa sheegay in ay dowladdu dajisay qorshe lagu xaqiijinayo in shacabka dalkaasi ay si joogto ah u helaan adeegyadii ay dowladdu siin jirtay.
Waxa uu sheegay in wax walba lagu xallin doono hab nabadgeylo ah, isagoo sheegay in uusan jiri doonin qaraar Militari oo lagu xaliyo dhibtan.

Waxa uu sidoo kale xusay in cutubyada ciidamada ka socda Turkiga ay u tageen dalkaasi arimo la xiriira nabadgelyada gobolka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.