3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 26, 2017
Madaxda ugu sareeysa ee dalka oo ka qeybgalay Xuska 26-ka Juun

Isniin, June, 26, 2017 (HOL) - Munaasibadda xuska 26-ka Juun oo ay maalintii ay xoroobeen gobollada waqooyi ee Dalka ayaa lagu qabtay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar, ayadoo ay ka qeybgaleen madaxda ugu sareeysay ee dalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir.

Munaasibadda ayaa intii ay socotay waxaa madasha la aqriyay taariikhda halgankii gobanima-doonka ahaa ee dalka iyo guulihii isdaba joogga ahaa ee ay soo hoyeen.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Thaabit Cabdi Max'ed oo madasha qudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in 26-ka Juun ay tahay maalintii laga guuleystay gumeystihii ku amar taagleyn jiray Dalka, isagoo intaa ku daray in ay tahay maalin mudan in la xuso.

Masuuliyiin isugu jirtay xubnaha labada aqal ee dowladda iyo marti sharaf kale ayaa munaasibadda ka qeybgalay, waxaa masuuliyiintii ka hadashay kamid ahaa wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweeynaha Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) kana mid ahaa gudigii soo agaasimay xafladda ayaa sheegay in masuuliyiinta ugu sareeysa ee dowladda ay caawa u yimaadeen in ay ka qeygalaan xuska 26-ka Juun oo uu xusay in ay tahay maalin ku weyn bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdi Xaashi C/laahi Gudoomiyaha aqalka sare ee baarlamanka dalka oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in 26-ka Juun ay tahay maalintii ugu horeeysay oo calan Soomaaliyeed laga taago dalka Soomaaliya, waxa uu sheegay in ay ahayd taariikh lama ilaabaan ah, ayna ahayd maalintii laga miro dhaliyay dadaalkii gobonima doonka dalka Soomaaliya.

Ugu danbeyn waxaa munaasibadda ka hadlay Madaxweynaha Soomaliya Mudane Max'ed C/laahi Max'ed Farmaajo, isagoo ka sheekeeyay guulihii isdaba joogga ahaa ee la gaaray xilligii gobonima doonka oo ay ugu horeeysay guushii 26-ka Juun gobollada waqooyi ee dalka looga xoreeyay gumeystihii Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay faa'iidooyinkii laga dhaxlay gobonimada, iyo dhibaatooyinkii dhacay wixii ka danbeeyay burburkii dowladda dhexe ee dalka iyo weliba sida ay lagama maarmaanka u tahay in markale bulshada Soomaaliyeed u istaagto sidii loo soo celin lahaa midnimadii iyo sharaftii ay lahayd bulsha weynta Soomaaliyeed.

 “Halgankaasi dheeraa waxaan ka dhaxalnay labo Arrimood oo kala ah Farxad iyo Dhib, Farxadu waxay ahayd inaan helnay Xornimo weyn, laakiin Guul darada ayaa ah Barakac, Qaxooti iyo Burbur ay sababeen dagaaladii Sokeeye.” ayuu yiri Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa hambalyo ku aadan maalintan u diray guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay tahay maalin aan la ilaabi karin oo baal dahab ah ugu qoran taariikhda dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.














Click here
6/26/2017 6:12 AM EST
Isniin, June, 26, 2017 (HOL) - Ayadoo maalintii labaad uu magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka iyo qeybo ka tirsan gobollad dalka ka maqanyahay adeegga Internetka ayaa dowladda Soomaaliya faahfaahin ka bixisay waxa sababay arinaasi.

6/26/2017 5:15 AM EST
Isniin, June, 26, 2017 (HOL) - Maamulka degmada Afmadow ee gobolka J/hoose ayaa sheegay in askari ka tirsnaa kooxda Al-shabaab uu shalay gelinkii danbe iska soo dhiibay degmadaasi, kaa oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada Jabhadda loo yaqaan ee weerarrada gaadmada ah fuliya ee kooxdaasi.

6/26/2017 3:14 AM EST
Axad, June, 25, 2017 (HOL) –Sida laga soo xigtay booliska dalka Colombia ilaa sagaal qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dooni siday dad dalxiiseyaal ah oo ku quustay haro gacan ku sameys ah oo ku taal waqooyi galbeed dalka Colombia.

6/26/2017 2:59 AM EST
Sidee looga ciiday magaalada Melbourne ee dalka Australia

6/26/2017 2:01 AM EST
Maalinimadii Shalay ee ciida ahayd waxay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalka Minnesota gaar ahaan magaalada Minneapolis ay ku Tukadeen saladii Ciida Hotelka wayn ee Hayatt ee magaalada Minneapolis, waxaana soo qabanqaabiyey masjid abuubakar as-sadiq.

6/26/2017 1:49 AM EST
Sidee looga ciiday magaalada Ottawa ee dalka Kanada

6/26/2017 1:19 AM EST
Dhamaan umadda islaamka ayaa si weyn ugu dabaaldegtay maalinta ciidal Fidriga,isla markaana waxa si weyn looga dareemay dhamaan dhulka Soomaalidda.

6/26/2017 12:54 AM EST
Axad, June, 25, 2017 (HOL) - Kumanaan dad gaaraayo, ayaa maanta iskugu soo baxay fagaarayaasha waa weyn ee ku kala yaallo Magaalo madaxda gobolka Georgia ee Atlanta iyo Magaalada Boston oo ah xarunta gobolka Massachusetts oo ku yaallo Waqooyi Bari dalka Mareykanka.