4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 26, 2017
Sida Looga Ciiday Magaaladda Minneapolis MN Shalay iyo Salaamaha dadka (Sawiro & Video)

Isniin June, 26, 2017 (HOL) –Maalinimadii Shalay ee ciida ahayd waxay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalka Minnesota gaar ahaan magaalada Minneapolis ay ku Tukadeen saladii Ciida Hotelka wayn  ee Hayatt ee magaalada Minneapolis, waxaana soo qabanqaabiyey masjid abuubakar as-sadiq.

Dadwayne aad u badan ayaa soo buuxdhaafshay goobta salaadda lagu tukanayay. goobtan oo markiiba qaaday tiro kor u dhaafaysa Kun qof, ayaa lagu tukaday saddex goor. muuqaalka magaalada Minneapolis galinnimadii hore ee shalay ayaa u muuqday mid u magaalooyinka Soomaaliya iyadoo goob walba lagu arkaayey dad labisan oo ciidaya sida maqaayadaha goobaha lagu qaxweeyo iyo carwooyinka waawayn.


Waxaa salaaddii ciidda tujiyey Sh.C/risaaq Xaashi. Sheekha, oo halkaas khudbad qiimo badan oo dhinacyo badan taabaynaysa ka soo jeediyey, isagoo ka hadlay in la joogteeyo cibaadada oon lagu akeen bisha Ramadaan,waxuu ka hadlay shiikhu xanuunka Jadeecada oo ku dhacay Ilmo badan oo Soomaaliyeed , gabagabadii khudbadda sheekha, ayaa ku soo dhammaatay duco uu mislimiinta oo dhan ugu duceeyey.

Maamulka masjid abuubakar, ayaa aad ugu diyaar garoobay siday u kala hagi lahayeen tirarka dadka ah ee sida is daba joogga ah  isku dhaafayey wadooyinka soo gala goobta salaada lagu tukanayey.iyagoo aad uga taxadaray amaanka maadaama ay aad usoo batay Islaam nacaybka ka jira dalkaan Maraykanka  ,ugu danbayntii waxay ku soo dhammaatay habsami.

Sidoo kale waxaa shalay lagu tukaday dhamaan Masaajida ku yaal gobolka Minnesota iyo magalooyinka u dhowdhow.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis,MN