4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 26, 2017
Magaalooyinka Atlanta iyo Boston ee dalka Mareykanka oo si weyn looga ciiday (SAWIRRO)

Isniin, June, 26, 2017 (HOL) - Kumanaan dad gaaraayo, ayaa maanta iskugu soo baxay fagaarayaasha waa weyn ee ku kala yaallo Magaalo madaxda gobolka Georgia ee Atlanta iyo Magaalada Boston oo ah xarunta gobolka Massachusetts oo ku yaallo Waqooyi Bari dalka Mareykanka.

Dad weyne tiro badan, ayaa subaxnimadii hore ee maanta iskugu tagay Garoon lagu ciyaaro Kubada Gacanta oo ku yaallo agagaarka waddada Memorial Drive ee xaafada Stone Mountain, halkaas oo uu Salaaddii Ciida ku tujiyay Sheekh Nuux Sheikh Ciise oo ah Imaamka Masaajidka Sunnah oo ku yaallo Magaalada Atlanta.

Sheekh  Nuux  oo Khudbadii Ciida oga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Midnimada Islaamka, is-cafinta, Caawinaada dadka tabaaleysan iyo Fadliga ay leeyihiin lixda cisho ee Shawaalka oo la Soomo inta lagu jiro bishaan Shawaal ee ramadaanka ka danbeyso, ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed iney is cafiyaan, isla markaasna si walaaltinimo leh ay iskugu naxariistaan.

Dhanka kale Muslimiin tiro badan, ayaa iyaguna ku Ciiday Garoonka Dugisga sare ee Madison Park oo u yaallo magaalada Boston ee xarunta gobolka Massachusetts. Halkaasoo Salaaddii Ciida ay ku tukadeen.

Suldaan Mahdi Axmed Cali oo ah Guddoomiye ku xigeenka Golaha Soomaalida dagan gobolada la isku dhaho (New England States), ayaa Hiiraan Online u sheegay in goobo kala duwn oo ku yaallo magaalada Boston maanta lagu tukaday Salaadda Ciidul-fidriga, iyadoona muslimiin fara badan oo iskugu tagay garoonka Madison Park uu salaadda kala qeyb galay Major Habib oo ka mid ah Saraakiisha sar-sare ee Booliska Magaalada Boston.

Sida lagu qoray bogga TV-ga CNN markii ugu horeysay muddo ku dhow labaatan sano, ayaa Muslimiinta Mareykanku ay xilligaan ciidayaan iyadoo Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo uusan sannadkaan qabanin, xafladii Afurka aheyd ee Ramadaan kasto ay Madaxweynayaasha Mareykanku u qaban jireen Muslimiinta America.

Balse, Madaxweyne Donald Trump iyo Marwada koowaad ee Mareykanka Melania Trump, ayaa Sabtidii aynu soo dhaafnay baahiyay warbixin ay salaan diiran ogu dirayan Muslimiinta Ciidaayo.

Guud ahaan Muslimiinta ku dhaqan wadanka Mareykanka, ayaa si weyn ugu dabaal-dagay munaasabada Ciidul Fitriga oo ku beegan kowda bisha Shawaal ee sannadka 1438 ee Hijriyo. Iyadoo guud ahaana caalamka maanta laga wada ciiday.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]
Atlanta, Georgia – Mareykanka