4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 25, 2017
Madaxwaynaha Puntland oo shacabka reer Garoowe goob fagaare ah kula tukaday salaadda ciidda [Sawirro]


Axad, June, 25, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Dr. C/weli Max'ed Cali Gaas ku xigeenkiisa iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Puntland ayaa saaka salaadda ciidda fagaare ku yaal magaalada Garoowe kula tukaday shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Madaxweynaha oo salaadda kadib shacabkii halkaasi isugu yimid khudbad u jeediyay ayaa ka ugu horeyn bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland ugu hambalyeeyay munaasibadda ciidda, isagoo dhinaca kale ka hadlay ammaanka guud ee Puntland.

Waxa uu sheegay in Puntland ay ka jirto nabadgelyo la isku haleyn karo, islamarkaana ay Puntland diyaar u tahay in ay ka hortagto wax walba oo carqalad ku keeni kara nabadgelyada.

Madaxweynaha ayaa yiri ; "Puntland waa amni Ilaahay Fadligiisa ayay ku ahaatay, dabcan inbadan oo ku dedaashay waa ay jirtaa in Puntland nabad ahaato dawladda iyo shacabka iyana waa ay mahadsan yihiin shaqadaa ay qabteen."

Waxa uu intaa ku daray in uu jiro cadaw doonaya in uu khalkhal geliyo ammaanka Puntland, kuwaa oo uu sheegay in ay dadaal ku bixinayaan in Puntland ay carqaladeeyaan.

"Sidaad ka war haysaanba cadawgeenni wuxuu loollan ugu jiraa inuu Puntland dhibaato ka suubiyo, laakiin waxaan u sheegayaa in Puntland iyo shacabkeeda oo isku duuban diyaar u yihiin inay dalkooda difaacdaan, waana ka adkaanaynaa Insha Allah xaqiiqaduna taa weeye, " ayuu yiri Madaxweyne Gaas

Guud ahaan deegaanada Puntland ayaa maanta looga dabaaldegay munaasabadda ciidda barakeeysan ee Ciidul Fitriga.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.