4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 25, 2017
Turkiga oo taageeray mowqifka Qatar ka istaagtay shuruudaha ay soo bandhigeen dalalka xirirka u jaray

Axad, June, 25, 2017 (HOL) –Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo dhaweeyay go'aanka ay dowladda Qatar isu dul taagtay qodobadii ay soo bandhigeen dalalka xiriirka u jaray Qatar, isagoo sheegay in shuruudahaasi yihiin kuwo kasoo horjeeda shuruucda caalamiga ah.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay soo gaareen shuruudaha ay soo bandhigeen dalalka xiriirka u jaray, waxayna sheegtay in ay yihiin kuwo lala yaabo, dhawaanna ay kasoo saari doonaan go'aan rasmi ah.

"Waxaan soo dhaweeynaynaa go'aanka ay dowladda Qatar qaadatay, waxaan u aragnaa in 13-kaa qodob ay ka horimanayaan shuruucda caalamiga ah," ayay wakaaladda wararka dalkaasi ee Anadolu kasoo xigatay madaxwaynaha.

Dowladda Turkiga ayaa taageertay Qatar, kadib markii Sucuudiga iyo dalal badan oo carbeed ay xiriirkii u jareen Qatar ayagoo ku eedeeynaya in ay dhaqaale ku taageerto kooxaha argagixisada, halisna ku tahay xasiloonida gobolka.

Dowladda Turkiga ayaa ciidamo u dirtay Qatar, kuwaa oo ay sheegeen in ay qeyb ka qaadan doonaan ilaalinta ammaanka gobolka.

Dowladda Qatar ayaa sabtidii sheegtay in shuruudaha ay dalalka Carbeed soo bandhigeen ay yihiin kuwo aan macquul ahayn.

"Liiskan dalabaadka ah wuxuu xaqiijinayaa wixii ay Qatar hore u sheegtay bilowgii, go'doominta sharci darrada ah waxba kuma soo kordhinayso la dagaalanka argagixisada, waa mid la doonayo in lagu carqaladeeyo madaxbanaanida Qatar iyo siyaasadaheenna arimaha dibadda," waxaa sidaa lagu yiri warqad kasoo baxay xafiiska wasaaradda arimaha dibadda dalka Qatar.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay dib u eegis ku sameyn doonto qodobada lasoo bandhigay, ayna diyaarin doonto jawaab rasmi ah kadib marka ay xaqiijiyeen Dukumintiga soo gaaray.

"Dowladdu waxay haaatan darseeysaa warqadda soo gaartay, dalabaadka ku jira warqadda iyo halka ay salka ku hayaan, si aan u diyaarinno jawaab ku haboon islamarkaana aan jawaabteenna u gudbinno dowladda Kuwait," ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday wasaaradda arimaha dibadda dalkaasi.

Kuwait ayaa ah dalka wada dadaallada la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo dowladda Qatar iyo dalalka kale ee carbeed ee xiriirka u jaray.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.