4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 25, 2017
Adeegga Internetka oo ka maqan Caasimadda iyo qeybo ka tirsan gobollada dalka
Axad, June, 25, 2017 (HOL) –Adeegga internetka ayaa ka maqan magaalada Muqdisho iyo qeybo ka tirsan gobollada dalka, ayadoo arintan ay saameyn ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed ee adeegsata Internetka.

Masuuliyiin ka tirsan shirkadaha bixiya adeegga Internetka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay jirto cillad yar oo heeysata balse ay ku mashquulsanyihiin sixitaankeeda.

"Walaalow cillad dhanka sateliteka ayaa jirta, xarunta weyn ee Muqdisho ayay ka jirtaa, waxay noo sheegeen in ay wadaan sixitankeeda, saacado kadib waxaan rajeeyneynaa in uu hagaago," sidaa waxaa yiri mid kamid ah howlwadeennada shirkadda Global xarunteeda Kismaayo oo HOL u waramay isagoo codsaday in aan magaciisa la xigan.

Internetkii Shirkadda Hormuud ayaa sidoo kale hawada ka maqan, ayadoo masuuliyiinteedu ay inoo sheegeen in ay socdaan dadaallo lagu saxayo.

Masuuliyiinta shirkadda Horumuud oo ay HOL la xiriirtay ayaa inoo sheegay in cillad ay heeysato shirkad fadhigeedu yahay Nairobi oo ay qadka ka heli jireen, sidaa darteed ay iyaguna hawada uga baxeen.

Shirkadaha Hormuud iyo Global oo kamid ah kuwa bixiya adeegga ugu badan ee dhanka internetka ee gobollada koonfureed ee dalka ayaa gabi ahaanba hawada ka maqan ilaa xalay saqdii dhexe.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.