4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 25, 2017
Jubaland oo Munaasibadda ciidda awgeed cafis u fidisay 105 Maxaabiis
Axad, June, 25, 2017 (HOL) –Madaxwayne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubaland Mudane Max'uud Sayid Aadan oo hambalyo u diray guud ahaan umadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in isaga oo ka wakiil ah madaxweeynaha Jubaland ay munaasibadda ciidda awgeed cafis u fidiyeen 105 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada ku yaal degmooyinka ay dowlad gaboleedku ka arimiso ee Jubaland.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegay in dadka ay cafiska u fidiyeen ay isugu jiraan maxaabiis ku eedeeysan danbiyo yar yar iyo qaar loo heyso danbiyo la xiriira xagjirnimo isagoo intaa ku daray in kuwa u xiran dilalka iyo xukunnada kale ee sharciga ah aysan qeyb ka ahayn maxaabiista ka faa'iideysan doonta cafiska.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa dhinaca kale umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan islamarkaana si wadajir ah ugu istaagaan in ay dalkooda iyo dadkooda u shaqeeyaan, kana qeybqaataan nabadda iyo horumarka dalka ee ay hormuudka u tahay dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaa