4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 24, 2017
Daawo Muuqaalkii ugu horeeyay deegaannadii lagu dagaalamay ee gobolka Hiiraan

 

Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Mas’uuliyin iyo saraakiil ka kala tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, maamulka Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa deegaanka Banyaaley ee gobolka Hiiraan ayaa heshiis hor dhac ah ka gaaray dagaal halkaa ku dhaxmaray maleeshiyaad ka soo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiinta maamuladda Hirshabeelle iyo Ahlu Sunna oo si wada jir ah ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lagu heshiiyay labada dhinac marka hore in la kala qaado maleeshiyada oo la sheegay in la kala dajiyay deegaannada Qodqod iyo Hees oo ka wada tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka dib-u-heshiisiinta maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in dadaal dheer iyo wada hadal kaddib lagu guuleystay sida uu hadalka u dhigay in la kala qaado maleeshiyaada labada dhinac, isaga oo intaa ku darray in wixii wadahadal ah lagu balamay in dib leysugu soo laabto bisha Ramadaan kaddib.

Odayaasha labada dhinac ayaa soo dhaweeyay heshiiska hor dhac ah ee laga gaaray colaada deegaanka Banyaaley oo ay ku dhinteen tiro ka badan 20 ruux oo labada dhinac ka soo kala jeeda.

Jen Maxmed Axmed Tareedijo oo hor kacaya ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka ayaa faray maleeshiyada labad dhinac iyo odayaasha dhaqanka in loo hogaasamo heshiiska la gaaray, wixii khilaaf ah ee jirana lagu dhameeyo sida uu hadalka u dhigay wada hadal.

Mas’uuliyiinta maamulka Ahlu Sunna ee qeybta ka ah joojinta colaada ayaa dhinacooda warbaahinta u sheegay in ay ku dadaali doonaan ka hortaga dagaal danbe oo deegaanka ka dhaca. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]