4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 24, 2017
Sacuudiga oo "fashiliyay" weerar la damacsanaa in lagu qaado misaajidka barakaysan ee Maka

 
Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Ciidamada ammaanka ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa fashiliyay waxa ay ku tilmaameen weerar argagixiso ay qorshaynaysay in ay ku bartilmaameedsadaan misaajidka barakaysan ee Maka.

Wasaarada arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dhisma uu ku jiray qofka weerarka fulin rabay ay ciidammada hareereeyeen kadibna uu is qarxiyay.

Dhismaha ayaa burburay waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo ay ka mid yiihiin askar booliiska ka tirsan.

Shan qof oo mintidiin ah oo looga shakisan yahay weerarka ayaa xabsiga loo taxaabay sida ay sheegeen saraakiisha.

Bishii July 2016, afar ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday meel u dhaw masaajidka barakaysan ee Madiina.

Qaar kamid ah dowladdaha xulufada la ah Sacuudiga ayaa cambaareeyay isku dayga, waxaana y ku tilmaameen fal fuleynima ah. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia