4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 24, 2017
140 qof oo lagu la’ yahay dalka Shiinaha

 
Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Ugu yaraan 140 qof ayaa la la' yahay kadib buur kusoo duntay deegaan ka tirsan gobolka Sichuan ee koonfur-galbeed Shiinaha.

Warbaahinta gudaha dalka Shiinaha ayaa baahiyay in ku dhawaad 40 guri ay  ku bur-bureen deegaanka Xinmo.

Kooxaha gurmadka ayaa ku dadaalaya sidii ay dad nool uga soo hoos saari lahaayeen dhagxaanta kasoo jabay buurta.

Lamaane iyo canug yar ayaa laga soo badbaadiyay goobta, ka dib markii ay kooxaha gurmadka xargo iyo cagaf ku jiideen dhagxaan ay ku hoos jireen, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Madaxda dalka Shiinaha, ayaa sheegay in ay ku howlanyihiin sidii ay u badbaadin lahaayeen dadka la layahay.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia