4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 23, 2017
Mareykanka oo Liiska argagixisada ka saaray Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur

 

Jimco, June, 23, 2017 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in Liiska Argagixisada laga saaray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysa Al-shabaab.

Abuu Mansoor ayaa ahaa ku-xigeenkii hogaamiyahii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, isaga oo dhinaca kale mar soo noqday afhayeenkii Al-Shabaab.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa u xaqiijisay VOA in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga, waxaana madaxiisa dul saarnaa 5 milyan oo dollar.

Mukhtaar Rooboow ayaa sanadihii u dambeeyay la hadal hayay inuu wada hadalo hoose kula jiro dowladda Soomaaliya, isla markaana ay xurguf soo kala dhex gashay Hoggaanka Al-Shabaab.

Abuu Mansuur ayaa la sheegay in sanadihii ugu danbeeyayba uu dhuumaaleysi ku jiray kaddib markii ay isku dhaceen Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Abuu Zubeyr, taasoo keentay xitaa la khaarajiyo rag isku aragti ahaayeen Mukhtaar Rooboow.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan liiska Argagixisada ee laga saaray Abuu Mansuur.

Sidoo kalana wax war ah lagama hayo Mukhtaar Rooboow oo sanadihii ugu danbeeyay aan warkiisa laga maqlay warbaahinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]