4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 23, 2017
Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo weeraray suuq xoolaha lagu iibiyo

 

Jimco, June, 23, 2017 (HOL) – Inta la xaqiijinayo ilaa saddex ruux ayaa ku dhimatay weerar Al-shabaab maanta ay ku qadeen suuqa xoolaha deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Dadkan dhintay ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu ahaa askari ilaalo ka hayay suuqa oo ay ku sugnaayeen xoolo dhaqato keensaday xoolo iyo ganacsato faro badan.

Waxaa sidoo kale weerarkan la sheegay in ay ku dhaawacmeen ilaa shan ruux oo ka mid ahaa dadkii suuqa ku sugnaa.

Xoogagga weeraray Suuqa ayaa la sheegay in ay la socdeen gaariga Hoomey ah, iyaga oo markii danbe dib ugu laabtay halkii ay weerarka ka soo qaadeen.

Deegaanka Biyo Cadde ayaa waxaa sugan ciidamo Soomaaliyeed iyo ciidamo AMISOM ah. mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan dowlad goboleedka Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]