4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 23, 2017
Xarrakada Al-shabaab oo weerartay Banki ku yaala gobolka Waqooyi Bari Kenya

 

Jimco, June, 23, 2017 (HOL) – Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ay ku qaaday Banki ku yaalla magaalada Mandera ee Waqooyi-Bari Kenya, iyaga oo halkaa ku dilay Labo ruux oo rayid ah iyo qof kale oo lagu sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada amniga.

Sidoo kale, Miino waddada dhinaceeda la dhigay ayaa ku qaraxday waddada isku xirta Mandera iyo Ceel-waaq, balse waxaa lagu soo warramayaa in aan qaraxaasi wax khasaare ah ay ka dhalan.

Magaalada Mandera waxaa hore uga dhacay weerarro xiriir ah oo ay ku dhinteen rayid iyo waliba ciidamada amniga Kenya, waxaana mas’uulyadda weeraradaasi sheegtay al-Shabaab.

Ururka Al-shabaab Al-Shabaab ayaa Toddobaadyadii tagey aad u kordhiyay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan deegaannada ku dhaw xuduudda Soomaaliya, halkaasi oo ay ku dileen tobaneeyo qof.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]