4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 23, 2017
Ciidanka Xasilinta Caasimada oo maanta howlgallo ka sameynaya qaar kamid ah degmooyinka Muqdishu

 
Jimco, June, 23, 2017 (HOL) – Ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho ayaa maanta howlgallo baaritaanna ah ka wada qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Degmooyinka howlgallada ay ka wadaan ayaa waxaa kamid ah Waabari, Xamar-jajab, Xamarweyne, Shingaani, Shibis, Cabdi Casiis iyo Degmooyin kale, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Waddada Maka Al-mukarama, ayaa sidoo kale ciidamada baaritaanka xooggiisa ay ka wadaan.

“Waxaan kasoo baxay degmada Waaberi oo howlgallo ay ka wadeen ciidamada, dadka qaar oo ay ka shakiyaan ayeey weydiinayeen su’aallo”, Muna Yuusuf ayaa Hiiraan Online u sheegtay sidaasi.

Howlgalladan waxaa ay kusoo beegmayaan xili shalay xaruunta Police-ka ee degmadda Waaberi lagu dhuftay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.

Dhinaca kale Arbcadii lasoo dhaafay Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa kulamo deg-deg ah la qaatay saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka, kadib Qaraxii Al Shabaab ay ku weerareen xarunta degmada Wadajir.

Mudane Kheyre, ayaa saraakiisha amniga u sheegay in aan loo dulqaadan karin in Al-shabaab ay helaan Fursad ay Shacabka ku waxyeeleyn karaan, isaga oo xusay in ciidamada ammaanka laga doonayo in ay si adag uga hortagaan dhacdooyinka nuucaan oo kala ah ee ay Al Shabaab geystaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia