4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 23, 2017
Guddoomiyihii Sportiga degmada Wadajir oo u geeryooday dhaawac kasoo gaaray Qarax

 
Jimco, June, 23, 2017 (HOL) – Guddoomiyihii Sportiga degmadda Wadajir Maxamed Catoosh Macalimoow, ayaa gelinkii dambe ee shalay u geeryooday dhaawac dhawaan kasoo gaaray qarax Al Shabaab ay ku weerareen xaruunta degmadda Wadajir ee magaalladda Muqdishu.

Marxuum Macalimoow, ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jiray mid kamid ah isbitaalada Muqdishu, waxaana ugu dambeyn uu u geeryooday dhaawicii soo gaaray, waxaana lagu wadaa in maanta la aaso.

Guddoomiyaha waxaa uu kamid ahaa dhallinyadii ugu fir-fircoonaa ee degmadda, waxaana dad aqoon u lahaa ay sheegeen in uu ahaa qof jecel hormarka kubadda cagta.

“Maxamed Catoosh Macalimoow, waxaa sidoo kale uu ahaa garsoore xirfadiisa ay aad u sareyso waxaana uu kamid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee dhallinyarada ku baraarujin jiray in ay nabada ka shaqeeyaan”, sidaasi waxaa yiri Cumar Xuseen.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/laaahi Xasan iyo Xoghayihiisa ayaa kamid ahaa dadkii dhaawacyada fudud ay kasoo gaareen Qaraxa.

Weerarkii xaruunta degmadda Wadajir ayaa waxaa uu dhacay 20-kii bishan June.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia