4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 21, 2017
Taliye cusub oo la wareegay qeybta booliiska gobolka Sool


Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) - Munaasibad xilka loogu kala wareejinayo taliyihii qaybta booliska iyo taliyaha haatan loo soo magcaabay ayaa lagu qaybtay qaybta booliska gobolka Sool ee Laascaanood.

Munaasibadan oo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyanta Gobolka, degmada, ciidamada booliska hogaanadiisa kala duwan iyo waxgaradba, ayaa laga hadlay hawlaha uu soo qabtay taliye qaybeedka xilka wareejiyey iyo hawlaha u yaal taliyaha Cusub.

G/dhexe Ibraahin Jaamac Daad oo halkaasi ka warbixiyey hantida muuqata ayaa waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin gaadiid gaadhay 13 kuwaas oo qayb ka ahaa xilwareejinta.

Waxaa uu xusay in ay jiraan dhibaato xoogan oo degaanka ka taagnayd mudooyinkii u danbeeyey oo ah Khamriga waxana uu kula dardaarmay taliyaha qaybta ee cusub inuu u feejignaado.

G/Dhexe Khaliif Maxamed Xirsi Taliye qaybeedka cusub ayaa waxaa uu sheegay in diyaar u yahay in uu dhabarka u dhigo xilkan uu hada qabtay, waxaanu sheegay in aanu isagu waxba qaban karin hadii aan dadweynaha ay u shaqaynayaan Caawin.

"Xalay anoo lugaynaya waxaan arkaayey qaar askar heegan ah dhagax ku tuuraya, runtii askarigu dan uu leeyahay uma taagna ee waxaa uu u taagan yahay danta dadweynaha, waa ayaan daro hadii kii la illaalinayey uu isagu garan waayo dantiisii" ayuu yiri Khaliif isagoo intaas raaciyey in uu yahay dhalintii ku soo kacaantay magaalada farkasta oo la dhigana dhaadi kara, inay taas xasuusnaadaana waa uu u muujiyey.

Madax kala duwan oo halkaasi ka hadashay oo ay ka mid ahaayeen duqa degmada Laascaanood C/casiis Xuseen Xasan, taliye Xigeenka Qaybta Booliska G/dhexe Muuse Axmed Cigaal iyo madax kale ayaa dhamaantood soo dhoweyey taliayaha cusub taliye qaybeedkii horena ku amaanay waxqabadkii uu muujiyey.

Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir oo xiliwareejintaas soo gabagabeeyey ayaa waxa uu sheegay wadashaqayntii wacnayd ee ay lahaayeen taliyihii hore, waxaanu balan qaaday in aanay waxba ka hagranayn taliyaha Cusub.

Laiyaha xilka wareejiyey ayaa lagu xusuusan karaa sida ay bulshadu wada qiraan ninkii ugu waxqabadka badnaa dhamaan laiyayaashii horey u soo maray dhinaca amaankana waxa uu leeyahay waxqabad la tilmaami karo.

Taliyaha cusub oo ah nin aad u da'a yar hawlo kala duwana ka soo qabtay ciidamada Amaanka, waxaa la tilmaamayaa inay horyaalaan arimo badan u baahan geesinimo, go'aan qaadasho iyo ku dhac.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood. G. Sool