4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 21, 2017
Mogadishu City oo kaalinta 3aad ka gashay tartankii k/koleyga ee Zone 5aad

Arbaco, June., 21, 2017 (HOL) –Ciyaartooy iyo tababarayaal Soomaaliyeed oo ka qaybgalay ciyaarahii magaalooyinka ee dhawaan lagu soo gabgabeeyay Magaaladda Nairobi ayaa shalay ka soo dagay magaaladda Minneapolis,iyadoo ciyaartooyda ku ciyaaraysay magaca caasimada Muqdisho ay ka kala yimaadeen Magaaladda Muqdisho Toronto iyo Minneapolis.

Tartanka ciyaaraha intercity ga oo si wacan uga socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la soo gaba gabeeyay , iyadoo ay halkaasi ku tartamayeen lix magaalo oo ka kala socday zone ka 5aad ee Afrika oo kala ahaa: Nairobi Morans (Kenya), Mogadishu City (Somalia), Mombasa Sharks(Kenya),Jubba Bright Stars (South Sudan), Kambala city (Uganda) iyo Darusalam city oo ka socotay (Tanzania).

Tartanka oo isagu ahaaa mid aad u xiiso badan, ayaa waxaa indhaha taageerayaasha aad u soo jiitay kooxdii ku cayaaraysay magaca Mogadishu City (Somalia) oo iyagu ahaa dhallinyaro ay da’doodu  aad u yar yarayd  hase yeeshee aad ay u heer sarreysay xirfaddooda  ciyaareed. Dhallinyaradan ayaa badankooda  ka tagay gobolka Minnesota ee carriga Maraykanka si ay u difaacaan calankooda, waxaana ay halkaasi ku soo bandhigeen cayaaro aad iyo aad u soo jiitay dadweynihii daawanayay, ayna ku mutaysteen dhiirigalin iyo tixgalin aad u heer sarreysa waxaana ay tartanka ka galeen kaalinta 3aad , iyagoo 4 tii ciyaarood ay ciyaareen 3dex ka mid ah guulaystay , hal ciyaarna  laga adkaadey.

Natiijadii ciyaarihii ay ciyaareen ayaa sidan ku soo dhamaaday:

Mogadishu City 83 dhibcood Vs Mombasa Sharks 62 dhibcood 

Mogadishu City 87 dhibcood Vs Juba bright Stars 68 dhibcood

Mogadishu City 45 dhibcood Vs Kambala Uganda 77 dhibcood

Mogadishu city 92 dhibcood  Vs Mombasa Sharks 76 dhibcood 

Tababaraha kooxda Mogadishu City  Sadik Haji  ayaa ii sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay guusha ay kooxda Mogadishu City gaareen, dadaalka iyo isku duubnida ay dhallinyarada muujiyeen  iyo kaalinta ay tartanka ka soo galeen.

Sidoo kale Tababare Abdulkadir Xaaji Daahir (Shiikha) oo isaguna kooxda la socday ayaa xaqiijiyay in dhallinyaradan ay yihiin mustaqbalkii dalka, loona baahan yahay in dhan walba laga taageero si guulaha ay haatan gaareen kuwo la mid ah ay u soo hooyaan.

Tababare Shiikha ayaa mahadnaq ballaaran u soo jeediyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir  Mudane Thaabid iyo maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Banaadir Mudane Xasan Wiish iyo guddoomiyaha XSKK mudane Abdullahi Nur Maxamed Caddaani, kaalintii ay ka gaysteen in dhallinyaradani ay tartanka ka qaybgasho.

Sidoo kale waxaa uu mahadnaq ballaaran u soo jeediyay Sii hayaha safiirka Soomaaliya ee Kenya Mudane Ali Maxamed Sheikh(Ali Bagadi) iyo shaqaalaha safaaradda Soomaalida ee Kenya oo iyagu har iyo habeen nala garab taagnaa taageero hiil iyo hooba ah…waxaa kale oo uu u mahadceliyay  Khaliif Baggio oo ah shakhsi zaciim ah oo aanan la  illaawi Karin soo dhaweyntiisii, halyeeyadii qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo koleyga Muxidiin Cambar Khamiis, Khadar Dacar Yuusuf iyo Kooshin, Tababaraha K/Koleyga ee dhallinyarada Islii Mudane Ajakis, Muudeey , Shiino, Sucaado, Luul iyo dhammaanba jaaaliyadda Soomaalida ee Kenya taageeradii waynayd ay la garab taagnaayeen dhallinyaradii ku cayaaraysay magaca Muqdisho City.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

siyad@hiiraan

Minneapolis,MN