4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 21, 2017
Ku dhawaan 12, 000 oo Geel iyo Ido isugu jira oo ku xayiran xadka dalalka Sacuudiga iyo Qatar

 

Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) – Xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloosan dalalka Khaliijka ayaa u muuqata mid xilgan saameyn adag ku yeellatay xitaa dadka xoola dhaqatada ah, kaddib markii dowladda Sacuudiga ku amartay muwaadiniinta u dhalatay dalka Qatar in mudo 14 cisho ah uga baxaan dalkeeda.

Xadka labada dal ayaa lagu waramayaa in ay ku xayiran yihiin ku dhawaad 12, 000 oo Geel iyo Ido isugu jira kuwaa oo xoola dhaqato ka soo jeeda dalka Qatar doonayaan in ay dalkooda dib ugu celiyaan.

Tallaabadan ayaa ka danbeysay kaddib markii dowladda Sacuudiga ugu baaqday xoolaha dhaqatada ka soo jeeda dalka Qatar in ay dib dalkooda ula laabtaan xoolaha ka jooga dalka Sacuudiga, taasoo keentay in kumannaan Geel iyo Ido isugu jira ku xayirmaan xadka labada dowladood.

Dalka Qadar ayaa qaar ka mid ah wadamada Khaliijka waxaa ay ku soo rogeen xayiraadka dhinaca dhulka, Cirka iyo Badda ah, waxaana muuqata in hadda dowladda Qatar xiriir dhaw la yeelatay wadanka Iran halkaa oo ay maalin walba ka soo iibsato cunto iyo qudaar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]