3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 21, 2017
Xukun isugu jira dil iyo xabsi daa’in oo lagu riday eedeysanayaal magaalada Baydhabo

 

Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) – Maxkamada darrajada koowaad ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo heystay saddex eedeysane oo la sheegay in ay ka danbeeyeen dilkii wadaad caan ka ahaa magaalada Baydhabo.

Dhageysiga maxkamada eedeysanayaasha oo aheyd mid furan waxaa goob joog ka ahaa dadweynaha magaalada Baydhabo, garsoorayaasha maxkamada iyo qarreennada u doodayay eedeysanayaasha.

Maxkamadda ayaa waxaa la horkeenay marqaatiyaal dhowr  ah oo ay ku jiraan raggii soo qabtay eedeysanayaasha iyadoo sidoo kale la soo bandhigay hubkii lagu soo qabtay oo ahaa laba bistoolad iyo hal Bam gacmeed.

Maxkamadda ayaa markii ;danbe xukun dil ah ku riday ninka lagu magacaabo Maxamed Aadan Cali Barrow oo ku eedeysan in uu gacantiisa ku dilay Sheekh Maxamed Madeer oo xiligaa Salaada Taraawiixda ku tukanayay mid ka mid ah masaajida magaalada Baydhabo.

Sidoo kale maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Labada kale oo la sheegay in ay gacan siiyeen gacan ku dhiiglaha ku xukuntay xabsi daa’in.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/21/2017 12:24 PM EST
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) - Munaasibad xilka loogu kala wareejinayo taliyihii qaybta booliska iyo taliyaha haatan loo soo magcaabay ayaa lagu qaybtay qaybta booliska gobolka Sool ee Laascaanood.

6/21/2017 6:38 AM EST
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) – Maxkamada darrajada koowaad ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saakay xukuno isugu jira dil iyo xabsi daa'in ku riday Sedex dhalinyarro ah ku eedeysnaa in masjid ku yaala magaalada ku dhax toogteen todobaadkii hore wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamed Deer.

6/21/2017 5:25 AM EST
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) - Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa xalay magaalladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ka kooban 7 qof.


6/21/2017 4:49 AM EST
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) - Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay galabta madaxtooyadda Soomaaliya ku qaabilay Maxamed Cabdullaahi Aadan oo kaalinta koowaad ka soo galay tartankii Qur’aanka kariimka ee lagu qabtay waddanka Tanzania gaar ahaan magaalladda Daar-es-salaam.

6/21/2017 4:43 AM EST
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) Ciyaartooy iyo tababarayaal Soomaaliyeed oo ka qaybgalay ciyaarahii magaalooyinka ee dhawaan lagu soo gabgabeeyay Magaaladda Nairobi ayaa shalay ka soo dagay magaaladda Minneapolis,iyadoo ciyaartooyda ku ciyaaraysay magaca caasimada Muqdisho ay ka kala yimaadeen Magaaladda Muqdisho Toronto iyo Minneapolis

6/21/2017 4:26 AM EST
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) – Xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloosan dalalka Khaliijka ayaa u muuqata mid xilgan saameyn adag ku yeellatay xitaa dadka xoola dhaqatada ah, kaddib markii dowladda Sacuudiga ku amartay muwaadiniinta u dhalatay dalka Qatar in mudo 14 cisho ah uga baxaan dalkeeda.

6/21/2017 4:15 AM EST
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) -Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, ayaa xalay kulamo deg-deg ah la qaatay saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka, kadib Qaraxii shalay Al Shabaab ay ku weerareen xarunta degmada Wadajir.

6/21/2017 3:43 AM EST
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) - Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa wax ka beddellay qaabka dhaxalka Boqortooyada, isagoo wiilkiisa, Maxamed Bin Salmaan, ka dhigay ninka dhaxli doona boqornimada.

6/21/2017 3:34 AM EST
Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in xal nabadeed laga gaaro muranka dhanka xuduuda ee u dhaxeeya dalalka Eritrea iyo Jabuuti, kaddib markii ciidamo nabad ilaalin oo ka socday Jabuuti ay todobaadkii hore isaga baxeen aagga dhuleed ee muranka ka jiray.