4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 21, 2017
Gollaha amaanka oo war ka soo saaray xiisada ka dhaxtaagan dowladdaha Jabuuti iyo Eritrea

 

Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in xal nabadeed laga gaaro muranka dhanka xuduuda ee u dhaxeeya dalalka Eritrea iyo Jabuuti, kaddib markii ciidamo nabad ilaalin oo ka socday Jabuuti ay todobaadkii hore isaga baxeen aagga dhuleed ee muranka ka jiray.

Jabuuti ayaa ku eedeysay ciidamada Eritrea inay la wareegeen dhullka buuraleyda ee Dumeira, maalin kaddib markii ay isaga baxeen ciidamada nabad ilaalinta Qatar ee halkaas dhex dhexaadinta u joogay.

Golaha Ammaanka ayaa dhageystay warbixin uu u soo gudbiyay Midowga Africa oo ku saabsanaa xiisada sii kordheysa ee labada dal u dhaxeysa, waxaana uu ku baaqay in muranka ka jira xuduuda lagu dhameeyo si nabad ah oo waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa soo dhoweeyay dadaalada uu Midowga Afrika wado, kaasoo la doonayo in Guddi xaqiiq raadin loogu diro xuduuda, si ay u soo qiimeeyaan xaalada.

QM iyo ururka Midowga Africa ayaa isku dayaya in ay dajiyaan xiisadda iyo muranka dhinaca xadka ah ee u dhaxeeya dalalka Djibouti iyo Eritrea, kadib markii dowladda Qatar ay la baxday 450 ciidamo nabad-ilaalin ah oo labada dal ku kala dhexjiray.

Xubin ka tirsan golaha Ammaanka ayaa sheegay inay midowga Africa ka wada shaqeynayaan, si loo abuuro jawi degan oo la is xakamaneynayo, sidoo kalena ay soo dhoweynayaan eegista dhisida hanaan kalsooni oo labada dhinac mustaqbalka lagaga abuuri karo.

Dowladdaha Jabuuti iyo Eritrea ayaa lababa xiriir wanaagsan la leh Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, taas oo keentay inay la saftaan dhinac la saftaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]