Arbaco, June, 14, 2017 (HOL) –Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya oo howlgal ka wada maqaayadaha la weeraray ee Pizza House iyo Posh Hotel ayaa soo badbaadiyay tiro dad ah oo ay ka mid ahaayeen muwaadiniin u dhashay dalalka Kenya iyo Itoobiya
10 ruux ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen weerarka oo sidoo kale
saameyn ku yeeshay hotelka Posh Treats oo siweyn ugu dhaw Pizza House.
Qaraxan ayaa dhacay waqtigii Salaada Cishaha waxaana ay maqaaxidan ka mid
tahay goobaha sida weyn xiliyada habeenkii loo tago oo ay dadku ku caweeyaan.
Sidoo kale, waxaa goobta gaaray gadiidka gurmadka deg deg ah oo halkaa ka
qaaday dad ku dhaawacmay weerarka.
Afhayeenka howlgalada Al-shabaab Cabdcasiis Abuu-muscab ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan ururka weerar ku qaadeen caawa sida uu hadalka u dhigay Posh Hotel, isaga oo intaa ku darray in wali halkaa howlgalku ka socdo.
Qaraxan iyo weerarkan wada socda ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee ka dhaca
caasimada bishan Ramadaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]