4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 14, 2017
Wakiil ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la Toogtay Sawirro


Arbaco, June, 14, 2017 (HOL) – Mid ka mid ah xubnaha Aqalka wakiilada Mareykanka ayaa lagu toogtay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, oo dhinaca koonfureed waxyar ka xigta magaalada Washington DC.

Stephen Scalise ayaa waxaa laga toogtay sinta, waxaana soo gaaray dhaawac xilli isaga iyo xubno kale oo ka tirsan sharci dejinta Mareykanka ay isku diyaarinayeen cayaar Baseball ah oo la qorsheeyey inay khamiista dhacdo. Waxaa la sheegay in xaaladdiisu tahay mid degan.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan shan qof oo kale la dhaawacay. Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ka mid ah kaaliyaha Scalise iyo xubno ka shaqeeya xarunta congress-ka ee Capitol Hill.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaareen rasaas ay booliiska ku fureen.

“Waxaan aad uga walaacsanahay musiibadan. Waxaa qalbiyadeena iyo ducadeenu la jirtaa xubnaha congress-ka, shaqaalahooda, booliska Capitol iyo dadka caawinaya” ayuu Trump ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Booliska ayaan ka hadlin sababta weeerarkan ka dambeysay iyo waxaa uu salka ku hayo, balse waxay sheegeen iney baaritaano ku aadan arintan wadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]