Dowladda Soomaaliya oo beenisay in wax dhaqaale ah looga wadahadlay kulamadii Khilaafka Khaliijka
Arbaco, June, 14, 2017 (HOL) – Wasiirka
Wasaaraadda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow
ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in arimo dhaqaale looga wada hadlay kulamadii
la xiriira khilaafka Khaliijka ee dhaxmaray dowladda Soomaaliya iyo iyo wadamada Carabta.
“Warbaahinta waa in ay iska ilaaliyaan wararka been abuurka ah ee ka
durugsan xushmada iyo dhaqanka diblomaasiyadda”ayuu yiri Wasiir Yariisow oo
intaa ku daray in Saxaafadda kula dar daarmayo inay ka fogaadaan wararka aan
salka laheyn ee wax u dhimi kara karaamada iyo sharafta qaranka iyo tan dalka
aan walaalaha nahay.
Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya iyo dalalka Khaliijka ay leeyihiin
xiriir walaaltinimo oo qoto dheer, ayna ka dhaxeeyaan dano badan oo ku dhisan
iskaashi iyo wax wada qabsi.
“Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in, haba
yaraatee, aan wax dhaqaale ah looga hadlin kulamadii la xiriiray dhacdooyinkii ugu
dambeeyay ee arrimaha Khaliijka”ayuu yiri Wasiir Yariisow.
Warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa Soomaalida qaarkood ayaa baahiyay
warbixino iyo qoraalo ka hadlaya dhaqaale loo balanqaaday dowladda Soomaaliya
si ay xiriirka ugu jarto dowladda Qatar, hasse ahaatee dowladda federaalka ayaa
ugu danbeyntii wararkaa beenisay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]