4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 14, 2017
Maxkamadda Ciidamada oo soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwada raggii lagu eedeeyay dilka Wasiir Cabbaas

 
Arbaco, June, 14, 2017 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda ee Soomaaliya, ayaa maanta fadhigii ugu dambeeyay ka yeelatay isla markaana soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwada loo heysto laba askari oo ilaalo u ahaa Hanti-dhowrkii guud ee Qaranka, kuwaas oo lagu eedeeyay dilka wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska  dowladda Soomaaliya.

Labada askari ee lagu eedeeyay dilka wasiirka ayaa kala ah Dable Xoogga Axmed C/llaahi Cabdi Ceydiid iyo Saddex alifle Cusmaan Salaad Barre.

Maxkamadda, maanta waxaa ku sugnaa Garsoorayaasha Maxkamadda, Xafiiska xeer ilaalinta ee Maxkamada ciidamada qalabka sida abuukaatayaal ilaa sideed gaarayay oo u doodayay eedeysanayaasha iyo sidoo kale eheleda labada dhinac iyo dad weyne kale.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Col. Xasan Cali Nuur “Shuute”, ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in ay go’aan ka gaari doono dacwada labada eedeysane.

Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji, ayaa u geeryooday  xabad gaarigiisa lagu furay darted, bishii May ee sanadkan.

Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa xidig soo baxaya oo iftiimaya lahaana mustaqbal ifaya. Marxuum Cabaas waxuu tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, madaxda Qarankana aad bey ugu hanweynaayeen.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng. Yarisow ayaa yiri “Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa shaqsi dhalinyaro ah oo si aad ah uga dhexmuuqday golaha wasiirada. Waxuu ahaa shaqsi leh mustaqbal wanaagsan. Waxuu ka mid ahaa dhalinyaradii xerada Qaxootiga Dhadhaab ku soo koray oo wax ku soo bartay, ka dibna dalkiisa hooyo dib ugu soo laabtay si uu waddanka wax ugu qabto.”

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia