4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 14, 2017
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay isku soo dhiibeen 50 dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Al-shabaab

 

Arbaco, June, 14, 2017 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in 50 dhalinyaro ka tirsanaa Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen, iyagoo ka faa’ideysanaya cafiskii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid Cabdullaahi Maxamed oo ka mid ahaa madax ka tirsan dawladda oo shalay kormeer ku tagay saldhigga ciidamada Laanta Buuro halkaasi oo ay iska soo dhiibeen laba ka mid ah dhalinyarada ayaa sheegay in badi dadka isku soo dhiibay dawladda ay ka tirsanaayeen dhalinyarada u dagaalanta  Al-Shabaab.

“Ilaa 50 dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, waxay ka faa’ideysteen cafiska uu Madaxweynaha Jamhuuriyada u fidiyay”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii April ee sanadkan ugu baaqay dhalinyarada la qalday ee ka tirsan Al-Shabaab inay isku soo dhiibeen dowladda Soomaaliya, isla markaana uu cafis u fidiyay muddo 60 cisho gudahood.

Hadalkan ayuu Wasiirka shalay ka sheegay xilli isaga iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ay kormeer ku tageen dugsiga tababarka ciidamada ee Laanta-Buuro, halkaasoo lagu xareeyay ciidamadii laga saaray Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]