4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 14, 2017
Wasiiradda iyo Xildhibaannada oo lagu amray in 14 maalmood ay ku diiwaangeliyaan hubka ay sitaan

 
Arbaco, June, 14, 2017 (HOL) –War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu faafaahiyay amar cusub oo ku socda mas’uuliyiinta dowladda ee wata ciidamada ilaalada ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka, xubnaha Golaha Wasiiradda iyo dhamaan mas’uuliyiinta dowladda ay muddo 14 maalmood gudahooda ay kusoo dhiiwaangeliyaan ilaaladooda gaarka ah iyo hubka ay sitaan. Waxaana dhiiwaagelinta ay wasaaradda sheegtay in ay ka bilaabaneyso xaruunta Hogaanka Dembi Baarista ee CID.

Dhinaca kale madaxda dowladda ayaa la faray in Muqdisho aysan ku dhex wadan karin ilaa iyo in ka badan 4 askari iyo ugu badnaan 2 gaari oo ay saaran yihiin qoryaha AK47, sida wasaaradda ay sheegtay.

 Halkan ka aqriso War-saxaafadeedka:-



Aqriso: 10-kii Bishan go’aanno kasoo baxay Taliyaha Ciiidanka Xoogga dalka Soomaliya General Maxamed Axmed Jimacaale

Kulan looga hadlayay ammaanka caasimadda oo ay ka qeyb-galeen Wasirka Amniga gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Nabad sugida iyo Booliska Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalladda Muqdishu.

Taliyaha Ciiidanka Xoogga dalka Soomaliya General Maxamed Axmed Jimacaale, ayaa warbaahinta u aqriyay go’aankii kasoo baxay kulanka, oo ay kamid ahaayeen.

1-      Lama ogola qof aan ka tirsaneeyn ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo labisan dharka tuutaha oo calaamad u ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Waxaana qofkii lagu helo laga qaadayaa tallaabo sharci ah.

2-      Hub magaalladda laguma dhex qaadan karo, qofkii lagu arko hubka waa laga qaadayaa, qofkii isku dejiya qoriga oo lagu dhibaateeyo isagaa mas’uul ka ah.

3-      Gaadiidkii magaalladda socda ee hubeysan waa in uu heystaa warqada dhaq-dhaqaaq ee magaalladda uu ku dhex maraayo,  haddi laga waayo, qofkaasi waa dambiile gaarigana waa laga dhigayaa. Sidoo kale gaadiid magaalladda dhex mari kara ma jirto oo aan u socon shaqo ama wadan warqada ruqsada uu ku dhaq dhaqaaqaayo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia