4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 14, 2017
Dalka Britain oo muwaadiniintiisa u jeediyay in ay feejignaadaan marka ay u safrayaan Itoobiya

 
Arbaco, June, 14, 2017 (HOL) –Xafiiska arrimaha dibadda iyo Barwaaqo-sooranka dalka Britain ee (FCO) ayaa Talaadadii soo saaray warbixin ku saabsan in muwaadiniintooda ay feejignaadaan marka ay u safrayaan dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya, ayaa dhawaan jartay Internet-ka dalkaasi, iyadoo aan wax wargelin ah sameyn, waxaana sababta dowladda ay u jirtay ay ku sheegtay in dowladda ay qaadeysay imtixaanka Qaran ee dalkaasi.

Inkastoo hadda dib la soo celiyay jiritaanka Internet-ka muddo 10 maalmood kadib, hadda waa in ay jeefignaadaan, sidaasi ayaa lagu yiri qeyb-kamid ah warka ka soo baxay xafiiska.

“Safaaradda Britain weey ku caawin kartaa, balse waa in aad heshaa qorshe isgaarsiineeyd marka aad u safreyso dalka Itoobiya”, sidaasi waxaa sheegay Xafiiska arrimaha dibadda iyo Barwaaqo-sooranka dalka Britain ee (FCO). The United Kingdom’s Foreign and Commonwealth Office (FCO).

Xuduuda ay wadaagaan waddamada Itoobiya iyo Eritrea, ayaa wali xiran, iyadoo uu jiro dareen ah dagaal.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa wali saaran xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogay bishii October ee sanadkii 2016, kadib markii qalalaaso dibad bax ah ay ka dheceen dalkaasi.

Hassan Istiila, Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia