4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 14, 2017
Wararkii ugu danbeeyay dagaal culus oo xalay ka dhacay deeganno ka tirsan gobolka Hiiraan

Arbaco, June, 14, 2017 (HOL) - In ka badan 10 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen ku dhawaad 20 ruux kalana ku dhaawacmeen dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, kaa oo u dhaxeeya maleeshiyaad ka soo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Maxaas Cali Xaaji Xassan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu salka ku hayo dhul la deegaameyn rabay sida uu hadalka u dhigay.

‘’Dagaalkan runtii waa mid salka ku haya lahaansho deegaan, waayo waad ogtahay abaartii ka dhacday gobollada dhexe dad badan ayaa u soo guuray gobolka Hiiraan oo ka yimid dhinaca Galguduud waa la soo dhaweeyay , intaa kaddib waxaa ay bilaabeen in ay la dagaalamaan dadkii deegaanka’’ ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka degmada Maxaas.

Laakiin dhinaca kale mas’uuliyiinta maamulka gobolka Galguduud oo dagaalka ka hadlay ayaa sheegay in uu salka ku hayo xoolo la kala dhacay, iyaga oo eeda dagaalkan socda dusha uga tuuray Al-shabaab oo ay sheegeen in ay iska horkeenayaan beelaha dagaalamaya.

Dadka ku dhaawacmay dagaalkii xalay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Baanyaale oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa la dhigay isbitaal ku kala yaala degmooyinka Beledweyne, Guri-ceel iyo Dhuusa-mareeb.

Guddoomiyaha gobolka Galguduud Maxamed Cali Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tirada dhimashada ay ka warqabaan dhan tahay 7 ruux laakiin intaa ka sii badan karto.

Wararkii ugu danbeeyay ee ka imanaya deegaannada lagu dagaalamayo ayaa sheegaya in wali halkaa ay ka jirto xiisad colaadeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]