4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 14, 2017
Dab xooggan oo qabsaday dhisme ku yaalla magalladda London

 

Arbaco, June, 14, 2017 (HOL) –Muuqaalo ay sii daayeen warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa laga daawaday dab xooggan oo bur-burinaya dhimse ka kooban 24 dabaq ah oo ku yaalla magaalladda London.

Dhismaha Grenfell Tower ayaa ku yaalla Lancaster West Estate waxaana la sheegay in ilaa 200 oo dab damis ah ay la tacaaleen xakamaynta dabka.

Muuqaalada iyo sawirada ayaa muujinayay dabka oo xaga sare ee dabaqa baabi’inaya, waxaana jiray dad badan oo ku xannibnaa guryahooda. 


Duqa magaalladda London wuxuu sheegay in lagu dhawaaqay in arintani ay tahay "mid wayn".

Telveshinka Al Jazeera ayaa baahiyay in ugu yaraan 30 ruux loo qaaday isbitaal, kadib markii uu soo gaaray dhaawacyo.

Dowladda ayaa sheegtay in mar dambe lagu guuleystay daminta dabka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia