4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 14, 2017
Dowladda Norway oo gabdhaha ka mamnuucday in ay Niqaab ama Indha-shareer ay xirtaan

A 
Arbaco, June, 14, 2017 (HOL) –Isbahaysiga tallada haya ee dalka Norway, ayaa soo jeediyay qorshe lagu mamnuucayo Niqaabka ama in dumarka ay wajiga dabooshaan marka ay joogaan goobaha waxbashada ee dalka oo dhan.

Dowladda ayaa waxaa ay arrintaasi u sababeysay in ay cabaqad ku tahay xiriirka.

Mas'uuliyiinta ayaa ballan qaaday mamnuucidda Niqaabka sanadkii la soo dhaafay.

“Ma dooneyno in dhar lagu daboosho wajiga marka la joogo goobaha caafimaadka, iskuuladda iyo Jaamacadaha”, sidaasi waxaa yiri wasiirka waxbarashada iyo cilmibaarista dalkaasi Torbjorn Roe Isaksen.

Bishii lasoo dhaafay Baarlamaanka dalka Norway ayaa meelmariyay hindise mamnuucaya in gabdhaha Muslimiinta ay xirtaan wajiga inta ay dalkaasi joogaan.

Dowladdaha France, the Netherlands, Belgium, Bulgaria, iyo German, ayaa horay uga mamnuucay gabdhaha Musliinta ee dalalkaasi ku nool in ay Niqaabka ama Indha-shareer xirtaan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia