4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 13, 2017
Dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beelleed oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada dhexe

 

Talaado, June, 13, 2017 (HOL) – Maleeshiyo ka soo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galguduud ayaa labadii cisho ee la soo dhaafayba ku dagaalamayay deegaanno dhaca xadka labada gobol.

Ilaa Lix ruux oo dagaalka ku dhaawacmay ayaa la soo gaarsiiyay isbitaalka magaalada Beledweyne, halka isbitaalada degmooyinka Guri-ceel iyo Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud la geeyay dhaawacyo aan tiradooda la ogeyn.

Xiisad colaadeed ayaa wali ka jirta deegaannada lagu dagaalamayo waxaana jira baaqyo nabadeed oo loo jeedinayo dhinacyada diriraya si xabada loo joojiyo.

Maamulka cusub ee gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odayaasha labada dhinac in ay nabada ka shaqeeyaan lana joojiyo dagaalka.

Halka sidoo kale maamulka gobollada dhexe ay ku baaqeen in ay ka xun yihiin dagaalka loona baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro.

Marka laga soo tago baaqyada nabadeed ee la jeedinayo ma jirto cid ilaa iyo hadda ku baxday deegaannada lagu dirirayo si loo kala dhax-galo dhinacyada dagaalamaya.

Inta badan dagaallada ka dhaca deegaannada Miyiga ah ayaa salka ku haya arimo la xiriira deegaan, dhul daaqsimeed leysku qabto iyo xoolo la kala dhaco, waxaana dagaallada ku nafwaaya tiro badan oo dad ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]