4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 13, 2017
Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka dib-u-heshiisiinta oo ka furmay Muqdisho

 

Talaado, June, 13, 2017 (HOL) - Maanta magaalladda Muqdishu waxaa ka furmay shirweynaha wadatashiga Qaran ee hannaanka dib-u-heshiisiinta.

Waxaa shrikii maanta ka qeyb-galay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, wasiirada arrimaha gudaha maamul gobolleedyada iyo sidoo kale marti sharaf kale.

Shirweynaha wadatashiga Qaran ee hannaanka dib-u-heshiisiinta, ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya, waxaana la filyaaa in uu socon doona illaa 17-ka bishan.

Qodobada shirka looga hadlayo waxaa kamid ah sida ugu haboon ee xalka looga gaari karo khilaafyada soo kala dhexgala Soomaalida iyo in la helo dib-u-heshiisiin guud.

Dhinaca kale waxaa jira fakaro la is weydaarsan doono, maalmaha soo socda oo ku aadan sida ugu haboon ee looga wada tashan karo hannaanka dib-u-heshiisiinta.

Dib-u-heshiisiinta ayaa loo arkayaa halka keliya ee Soomaali ay isku imaan karto, waxaana qodobka dib-u-heshiisiinta uu qeyb ka ahaa Ololihii doorashada uu kusoo galay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia