4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 13, 2017
Culimadda qaadiriyadda oo ka soo horjeestay guddida culimada ee madaxweyne Siilaanyo magacaabay


Talaado, June, 13, 2017 (HOL) – Qaar ka mid ah culimadda loo yaqaan Ahlu Sunna Wajameeca ee Soomaaliland ayaa cabasho ka muujiyey guddida culimadda ee madaxweynaha ku dhawaaqay oo ka kooban 12 xubnood oo ay sheegeen inay kooxdoodu ka maqan yihiin.

Sidoo kale, guddidan culimada ee Qaadariyadda ayaa sheegay in xubnahan la magacaabay ee culimaddu aan iyaga xubinna lagaga soo darin, waxaanay sharci daro ku tilmaamay 12 xubnood ee culimadda laga soo xulay oo ay sheegeen in dastuurku qoraya inay guddida culimaddu noqdaan 11 xubnood halka hadda laga dhigay 12 xubnood.

Guddidan culimadda ee Qaadariyadda ayaa cabashadoodda u gudbiyey gudoomiyaha golaha Guurtidda, waxaanay sheegeen inay u sheegeen in gabi ahaanba aan lagu darin guddidaasi,isla markaaana culimadan tahay kuwii asalka ahaa ee dalka iyo dadka cilmiga soo gaadhiyey ka hor inta aanay xarakooyin kan cusub dalka iman.

Guddidan qaadariyada ayaa sheegtay inay yihiin culimadda ehlu suna wal jameeca, waxaa ayna gudoomiyaha golaha Gurtidda u gudbiyey in qaabka loo soo xulay guddida culimaddu aanu ahayn mid lagu saleeyey culimadda oo dhan ee qayb ka mid ah uun samaysatay.

 “waxaanu nahay culimaddii ehelu suna wal jameeco ee wadanku asal u lahaan jiray, waxaanu gudoomiyaha guurtidda kala hadalnay 11 guddida culimadda ee madaxweynuhu si sharci daro ah u magacaabay, marka hore kow iyo toban culimo ah ayaa dastuurka ku yaala madaxweynuhu wuxuu magacaabay 12 xubnood, qodobka labaaad culimadii wadanka usoo halgantay illaa gumaystihi waxba lagama darin, waa dhinac kaliya, haddii sidaas ku ansaxdo waxay noqonaysa nuqdad madow ayey qaranka Somaliland ku noqonaysa” ayuu yidhi Sheekh Axmed Caabi oo guddidan culimada Qaadariyada ah u hadlay markii uu ka soo baxeen kulan ay la lahaayeen Guddoomiyaha golaha Guurtidda oo ay cabashadda u gudbiyeen.

Sidoo kale, waxay sheegeen in madaxweynaha ku socdaan oo fariintoodda gaadhsiinayaan, maadaama oo aanay guddidan la magacaabay ka maqan yihiin.

Guddoomiyaha golaha Guurtidda ayaan isagu ka hadal cabashadda loo soo gudbiyey, waxaanu shir albaabaddu u xidhan yihiin la yeeshay guddida culimadda ee cabanaysa.

Guddidan culimadda ee madaxweynuhu magacabaay waxa ansixin doonna baarlamaanka, waxaanay sidaas sharci ku noqon karaan inuu jiro gole culimmo waa haddii la ansixiyo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.