Talaado, June, 13, 2017 (HOL)- Munaasabad siweyn loo soo
agaasimay oo ay xilalka kula kala wareegayeen mas’uuliyiinta cusub ee maamulka
gobolka Hiiraan iyo xubnihii horey xilalka looga qaaday ayaa ka dhacday xarunta
maamulka gobolka ee magaalada Beledweyne.
Saraakiisha ciidamada dowladda, AMISOM, waxaradka gobolka
Hiiraan, ururada bulshada rayidka ay marti-sharaf kale ayaa ka qeybgalay xil
wareejinta.
Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeynte
Cismaan oo hadal kooban ka jeediyay goobta ayaa ku dheeraaday waxqabadkii maamulkiisa muddadii koobneyd oo ay xilka hayeen, isaga oo mas'uuliyiinta cusub u
reejiyay guul iyo in bulshada loogu adeego sinaan iyo cadaalad.
Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cumar Aadan
Ibraahim Baadiyoow ayaa uga mahad celiyay maamulkii hore waxqabadka iyo hormarada
ay ka sameeyeen dib-u-dhiska iyo amniga, isaga oo balanqaaday in maamulka uu
guddoomiyaha u yahay halkaa ka sii waddi doonnaan wax qabadka maamulkii hore.
Mas’uuliyiinta maanta xilalka la wareegay ayaa sidoo kale
waxaa ka mid ahaa ku-xigeennada maamulka gobolka Hiiraan, guddoomiyaha degmada iyo duqa
magaalada Beledweyne.
Saraakiisha ciidamada dowladda iyo AMISOM gaar ahaan
taliyayaasha ciidamada Jabuuti iyo Itoobiya oo hadalo kooban ka jeediyay
munaasabada ayaa bogaadiyay maamulkii hore iyo wada shaqeyntii wacneyd oo ay la
lahaayeen, iyaga oo dhinaca kalana maamulka cusub u rajeeyay wax qabad iyo in
laga wada shaqeeyo amniga.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]