4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 13, 2017
Xasan Kheyre: “Waxan bulshada caalamka u sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad hor-usocod iyo abuuris Nabadeed”

 
Talaado, June, 13, 2017 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khaiye, oo ka qeyb-galay shirka Urur Gobolleedka IGAD, ayaa bartiisa Twitter ka kusoo qoray in caalamka uu u sheegay in nabad iyo hor-usocod uu ka jiro dalka Soomaaliya.

"Waxan bulshada caalamka u sheegay In Soomaaliya ay kujirto xaalad horusocod iyo abuurista Nabad iyo si loo helo Nolol".

Mudane Xasan, ayaa markiisii ugu horreysay sanadkan ka qeyb-galay shir weynaha Urur-Gobolleed-ka IGAD ee ka furmay magaalladda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Sidoo kale Ra'iisul wasaaraha, ayaa magaalladda Addis Ababa kula kulmay Guddoomiyaha Urur gobolleedka IGAD ahna Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, waxaana ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid ahaayeen xaaladda dalka Soomaaliya.

 
Shirka madaxda urur-gobolleedka IGAD ayaa qodobada sanadkan looga hadlay waxaa kamid ah xiisadaha ka taagan dalka Koonfurta Sudan oo si aad ah u sii darsanaya.

Dhammaan Madaxdii Shirkii IGAD ka hadashay waxaa ay tilmaameem inaysan habooneyn  in indhaha laga qarsado dhibaatada ay geysanayaan Mucaaradka.

Bishii June ee sanadkii hore ayay aheyd markii uu bur buray heshiiskii nabadeed ee ay gaareen Madaxweyne Salva Kiir iyo Hoggaamiyihii Mucaaradka Reik Machar, waxaana isku dhac dhex maray ciidamada kala taageersan labada dhinac uu sababay in Mr Machar ka baxo Caasimadda Jubba, isla markaana ka tago dalka oo dhan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia