4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2017
Faafaahin: Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay Koonfurta Soomaaliya

 
Isniin, June, 12, 2017 (HOL) - Wararka laga helayo Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen Tuulooyin u dhow degmadda Baardheere ee Gobolkaasi.

Saraakiil ciidanka dowladda Soomaaliya ka tirsan oo warbaahinta gudaha dalka Soomaaliya la hadlay ayaa sheegay in diyaaradaha duqeynta fuliyay laga leeyahay dalka Kenya.

Tuulooyinka ay diyaaradaha duqeeyeen ayaa waxaa kamid ah Tarako, Juungal, Dhaga laab, iyo Dhagaajo. Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka, sidoo kale maamulka Gobolka Gedo dhankoodana wali kama aysan hadlin.

Axadadii shalay,  Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka oo war ka soo saartay weerar lagu qaaday saldhig xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegtay in weerar cirka ah ku dileen 8 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Madaxwynaha dowaladda Soomaalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada caalamiga ah bur buriyeen sida uu hadalka u dhigay xero tababar oo Al-shabaab ay ku lahaayeen meel ku dhaw deegaanka Saakow.

Diyaaradaha dowladda Mareykanka iyo kuwa Kenya, ayaa inta badan duqeymo ka fuliya koonfurta Soomaaliya gaar ahaan, Gobolka Jubbooyinka, Gedo iyo Shabeellaha Hoose.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia