4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 12, 2017
Wiil Soomaali ah oo tartanka qur'aanka ee Imaaraadka ka qaybgalayey oo dib loo soo musaafuriyey

 

Isniin, June, 12, 2017 (HOL) – Ismaaciil Cumar Madar oo ah wiil Soomaali ah oo ka qaybgalay tartanka Quraanka Kariimka ah oo ay qabanayeen wadanka Imaaraadka Carabta ayaa maanta dib loogu soo celiyey magaaladda Hargeysa.

Wiilkan dhalinyaradda ah oo qaybihii hore ee tartanka ka qaybgalay, islamarkaana ay u harsaneyd in uu ku dhawaaqidda Natiijadda oo lagu dhawaaqayey Jimcaha sida uu sheegay Ismaacil Cumar Madar ayaa si degdeg ah dib loogu celiyey waxana sabab looga dhigay go’aanka ay qaadatay Soomaaaliya ee dhex dhexaadnimadda ah ee qadiyadda dawladda Qadar iyo Sucuudiga ka dhexeeya.

Ismaaciil ayaa sheegay inuu uga qaybgalay magaca Soomaaliya,isla markaana isagoo iska jooga lagu amray in labaatan daqiiqood ku diyaar garoobo oo uu diyaaradda raacayo si uu dalkiisa ugu noqdo, waxaana lagu sababeeyey in amarkaasi ka soo baxay madaxda sare ee Imaaraadka Carabta.

“11 habeenimo waxa isoo wacay maamulaha tartanka, waxanu usoo diray shaqaalihiisa in dalka ka bixi doonto oo toban daqiiqo ku diyaar garoobo oo uu tikidhkii u go’an yahay, marka waydiiyey sababta aan u noqonayo maadaama oo tartankii wali dhamaan waxa igu jawaaabeen waa amar xaga sare ka yimid”ayuu yidhi Ismaaciil Cumar Madar oo ah tartame ka qaybgalayey tartanka Quraanka.

Sidoo kale, Madar waxa uu sheegay in wiilkii Qadar uga qaybgalayeyna sidan oo kale isna loo mustaafuriyey, waxaanu sheegay inay tartankii quraanka la siyaasadeeyey oo dawladihii ka soo horjeestay xulifadda cadaadis lagu saarayo inay wadankoodda laga saaro.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.