4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2017
Maamulka Shirkadda Duullimaadka ee Qatar Airways oo QM baaq u jeediyay

 
Isniin, June, 12, 2017 (HOL) -Shirkadda Duullimaadka ee Qatar Airways, ayaa ka codsatay hay’adda the International Civil Aviation Organisation, a United Nations body, in ay tallabo ka qaado xayiraada duullimaad ee lagu rogay shirkadda.

Maamulka shirkadda ayaa sheegay in sharci darro lagu heysto Qatar Airways.

Baaqaasi ayaa waxaa jeediyay, Akbar Al Baker, oo ah madaxa Shirkadda Qatar Airways.

Afar wadan ayaa xiriirka u jaray dowladda Qatar todobaad ka hor, kadib markii xukuumadda Doha, ay ku eedeeyen in ay taageeraan argagixisada.

Dowladdaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkii diplomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la'aan ka wado gobolka.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba, sida wakaalladda wararka ee dalkasi ay sheegtay.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia