4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 12, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Addis Ababa

 

Isniin, June, 12, 2017 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaa oo uu uga qeybgali doono shir madaxeedka urur gobolleedka IGAD.

Wafdiga uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha oo saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ku soo dhoweeyeen Garoonka diyaaradaha Bole International Air Port.

Ka qeyb galka ra’iisul wasaaraha ee shirka IGAD ayaa timid kaddib markii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka baaqday ka qeybgalka shirka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu joogo Addis Ababa ayaa waxaa uu la kulmi doonaa Madaxda wadamada IGAD ee shika ka qeyb galaya.

 

Shirka Urur goboleedka IGAD ayaa looga hadlayaa colaadaha iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka Koofurta Sudan, iyadoo shirkan uu todobaadkii hore ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo shir guddoonka shirka ah.

Safarka ra’iisul Wasaaraha ku tagay Itoobiya ayaa ah kii u horeeyay ee wadamada deriska ku tago, sidoo kale waa safarkii labaad ee uu dibadda ugu ambabaxo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]