4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 12, 2017
WARAYSI:La taliyaha Howl-galka Midowga Yurub ee Xeebaha Somalia oo waraysi gaar ah siiyay HOL ,kana Hadlay arimaha Jariifka


Isniin, June, 12, 2017 (HOL)-Howlgalka Midowga Yurub ee xeebaha Somalia oo soo bilowday sanadkii 2008-dii ayaa ku guulaystay in ay fashiliyaan in ka badan boqol weerar oo kooxaha burcad- badeed-da ah ay ku qaadeen Maraakiib shisheeye oo adeegsanayay xeebaha Somalia.

Maxamed Shire oo la taliye sare u ah howl-galkan oo lagu magacaabo ATLANTA , isla markaana ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Netherland ayaa waraysi uu siiyay HOL uga warbixiyay howlaha ay ka qabtaan xeebaha Somali.

“Marka koowaad waxaan ilaalinaa xeebaha Somalia ,innaga oo caawina Maraakiibta xamuulka sida ee adduunka qaybihiisa kala duwan ku wajahan ,tan labaadna waxaan sugnaa amniga shixnadaha gar-gaarka ah ee uu raran hay’adda cuntada Adduunka ee WFP “ ayuu yiri Maxamed Shire oo ka jawaabayay su’aal ahayd shaqada ay ka hayaan xeebaha Somalia.

Mar aan wax ka weydiiyay Maraakiibta shisheeye ee jariifka ku haya khayraadka Somalia ayuu sheegay in ciidamada Midowga Yurub aysan ogolaansho u haysan in ay la dagaalamaan kaluumaysiga sharci darrada ah ,balse waxa uu sheegay in Markabbkii ay ku qabtaan isaga oo jariif wada ay ku war-galiyaan xafiiska laga xukumo howl-galkooda oo ku yaala Brussels.

“Sanadkii hore hadii aad xasuusato Markab sitay calanka Gariig-ga ayaa waxa uu sameeyay kaluumasysi sharci darro ah ,markaas ayaa waxa uu tagay Mombasa ka dib-na waa laga soo cayriyay markii la ogaaday in sharci darro uu uga kaluumaystay xeebaha Somalia ,waxaana lagu ganaaxay lacag dhan 65,000 oo dollar ,taasna annaga ayaa Somalia ka caawinay” ayuu mar kale yiri Shire.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd in ciidamada Midowga Yurub ay mararka qaar kaluumaysatada dhibaato u gaystaan ,iyaga oo ku khaldaya in ay yihin burcad badeed ayuu sheegay in taasi aysan waxba ka jirin 

“Walaal arintaas wax cadayn ah oo loo hayo ma jirto lkn hadii ay dhacdo in cid gaar ah laga shakiyo waxaa loo diraa diyaarado si looga soo qaado sawirro ,hadii lagu arko waxyaabaha lagu yaqaan kooxaha burcad-da ah waa la soo qabtaa walal , balse xitaa hadii ay Markab weerar ku qaadaan oo ay hubka tuuraan marka ay na arkaan lama xiri karo “ ayuu yiri mas’uulkan.

Shire ayaa sidoo kala sheegay in howl-galkooda uu sidoo kale caawiyo dowaldda Somaliya iyo maamulada dalka ka jira ,iyada oo tababaro iyo qalab la siinayo ciidamada booliska iyo waliba kuwa ilaaliya xeebaha maamulada.

Maxamed oo aan weydiiyay su’aal ahayd waxa howl-galka Midowga Yurub ka hortaagan in ay la dagaalamaan Maraakiibta jariifka ah ayaa sheegay in marka hore loo baahan-yahay in dowladda Somalia ay arintan ka codsato QM iyo Midowga Yurub si looga hortago Maraakibta jariiifka ah.

Waxaa uu ku celiyay in Midowga Yurub ay dareensan-yihiin waxyaabaha dhalinyarada Somaliyeed ku kalifaya in ay Maraakiibta shisheeye afduubtaan , isaga oo tilmaamay in arintaasi ay salka ku hayso dowlad la’aantii dalka ka soo jirtay iyo waliba shaqo la’aanta baaxad-da leh ee hadda jirta.

Ugu danbayn ,waxaa jira dhalinyaro kor u dhaafaya boqlaal oo ku xiran wadamo ay kamid yihin Seychelles ,Kenya iyo waliba Hindiya ,waxaan badankood lagu qabtay xeebaha Somalia, xili ay weerarro qorshaynayeen.  

Faysal M. Hassan
[email protected]