4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 12, 2017
Howlgal ballaaran oo ka socda magaalada Muqdisho

 

Isniin, June, 12, 2017 (HOL) - Ciidamada xasilinta caasimada Muqdisho ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxaa ay howlgalo ballaaran ka sameynayaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa lagu arkayaan jidadka muhiimka ee caasimada iyaga oo baaraya gadiidka, islamarkaana wadanayaasha weydiinaya aqoonsi iyo waxa shaqadooda tahay ama ay qabtaan.

Dadka la socda gadiidka ayaa la arkayaa iyaga oo safaf dhaadheer ku jira, laguna sameynayo baaritaanno kala duwan, qaarkoodna su’aalo la weydiinayo.

Howlgaladan ayaa qeyb ka ah qorshaha xukuumada ay u dajisay in lagu xaqiijiyo amniga caasimada, hasse ahaatee 24kii saac ee la soo daafay ayaa waxaa ka dhacay magaalada falal u badnaa dilal lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]