4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 12, 2017
Maamulka cusub ee gobolka Hiiraan oo loogu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne


Isniin, June, 12, 2017 (HOL) - Mas’uuliyiinta cusub ee maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka Cumar Aadan Ibraahim ‘’Baadiyoow’’ ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya, AMISOM, waxgarad, qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta cusub garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, iyaga oo intaa kaddib warbaahinta kula hadlay xarunta maamulka gobolka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cumar Baadiyoow oo hadal kooban jeediyay ayaa ugu horeyn bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka ugu baaqay iyaga oo ka faa’ideysanaya bisha Ramadaan in leys cafiyo, dhinaca kalana waxaa uu baaq u diray beelo ku dagaallamaya deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

‘’Hadal badan ma rabo in aan halkan ka sheego, laakiin bulshada ku dhaqan gobolka waxaan farayaa in ay is cafiyaan, lagana faa’ideysto bisha Ramadaan, dhinaca kalana waxaan rabaa in aan ugu baaqo beellaha ku dagaalamaya deegaannada Miyiga ah ee ka soo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galguduud in dirirta la joojiyo, wixii khilaaf ah ee jirana lagu dhameeyo wada hadal’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Beledweyne Aadan Axmed Xeefoow oo dhinaciisa warbaahinta la hadlay ayaa ka dalbaday bulshada ku dhaqan degmada in ay la shaqeeyaan maamulkiisa, isaga oo balanqaaday in mudada ay xilka hayaan sameyn doonaan is badal weyn oo dhinacyo badan leh.

Mas’uuliyiinta maanta lagu soo dhaweeyay magaalada ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa qaar ka mid ah ku-xigeennada maamulka gobolka iyo duqa degmada Beledweyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle.

Wareegto ka soo baxday maalin ka hor madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle ayaa lagu soo magacaabay maamul cusub oo uu yeelanayo gobolka Hiiraan, iyadoo xilalka laga qaaday mas’uuliyiintii hore.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]