Isniin, June, 12, 2017 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya
Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw u anbabaxay magaalada
Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyaga oo halkaa uga qeybgali doona shirka urur
gobolleedka IGAD oo maanta furmaya.
Ra’iisal wasaarhaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya wasiiro ka tirsan xukuumada
Soomaaliya, waxaana safarkan noqonayaa kii Labaad ee uu dalka uga anbabaxo
tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisal wasaaraha.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirka IGAD ee maanta ka furmaya magaalada
Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Shirka maanta furmaya ayaa horay waxaa u iclaamiyay ra’iisul wasaaraha
Itoobiya oo sheegay in xaalad adag ay ka jirto dalka Koonfurta Suudaan.
Bishii June ee sanadkii hore ayay aheyd markii uu bur buray heshiiskii
nabadeed ee ay gaareen Madaxweyne Salva Kiir iyo hoggaamiyihii Mucaaradka Reik
Machar, waxaana isku dhac dhexmaray ciidamada kala taageersan labada dhinac uu
sababay in Mr Machar ka baxo caasimadda Jubba, isla markaana ka tago dalka oo
dhan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]