4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2017
Maamulka Gobolka Banaadir oo soo qaban-qaabiyay kulan dadweyne

 
Isniin, June, 12, 2017, (HOL) – Kulan dadwayne oo uu soo abaabulay Maamulka Gobalka Banaadir kuna saabsan Sidii Maamulka iyo shacabku isaga kaashanlahaa ka hortagga falalka  Alshabaab ayaa shalay lagu qabtay Xarunta Degmada Shibis Ee Gobalka Banaadir.

Kulanka oo halku dhig looga dhigay ha qarsan Al Shabaab kuna wargali Maamulka iyo Ciidamada Amaanka qofkasta oo aad uga shakiso Shabaab ayaa waxaa hadallo ka hadlaya dhibaatada ficillada Xagjirka ka jeediyo Qeybihii kala duwanaa ee bulshada ee lagu Casuumay munaasibadda Furitaanka.

Taliyaha Booliska Saldhigga Shibis Gaashaanle Xabad Habarwaa oo la hadlay bulshada degmada Shibis ayaa ballanqaaday in booliska degmadu ay 24 Saac heegan u yihiin la shaqeynta dadweynaha dagmada, isagoo Codsaday in ay si toos ah iyo si dadbanba Xafiiskiisa ugu soo gudbiyaan qofkii ay ka shakiyaan si bulshada looga badbaadiyo qatartiisa.

Agaasimaha Waaxda Diinta Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Sh Cali Sh Maxamuud Sh Cali Dheere oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in fikirka Xagjirnimada uu dalka Soomaaliya Soo gaaray wixii ka dambeeyay sanadihiin Sagaashameeyadii kaas oo markii dambe soo xoogeystay wixii ka dambeeyay sanadkii 2006.

Sh Cali Dheere ayaa qeybaha bulshada ugu baaqay in meel looga soo wada horjeesto kooxda al shabaab lalana shaqeyo hayadaha Ammaanka.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa ammaantay barnaamijka Samawade iyadoo dadweynihii kulanka kasoo qeybgalay ku tirtirsiisay in Qofkii gurigiisa ku qariya kuwa dadka dilaya uu isagu yahay Xagjir.

“Xagjir majiro ee waxaa Xagjir ah bulshada guryaha ku qarsaneys kuwa Xagjirka ah ee maalin kasta dilaya haweenka iyo waayeelka, hadii aan inagu u midowno in aan ka hortagno waan ka adkaaneynaa shaki la’aan” ayay tiri Marwo Jawaahir.

Guddoomiyaha Degmada Shibis Faa’isa Sh Cali Casan Jimcaale ayaa sheegtay in barnaamijkaan uu mihiim u yahay isku xirnaashaha Maamulka dagmada iyo Bulshada ku nool dagamada Shibis, waxayna dadweynaha ku dhiirrigalisay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, dagmaduna ay buuxindoonto shuruudihii looga baahnaa ee la xiriira dhinaca Ammaanka.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Cali Siciid oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka hadlay ahmiyadda Ammaanku uu u leeyahay deegaanka, wuxuuna ballanqaaday in maadaama uu matalo degmada shibis in talo iyo tusaale siin doono maamulka dagmada, isagoo tilmaamay in haddii aan amni jirin aysan nolo jirin. 

Hiraan Online
Mustaf Hussien.
Mogadishu,Somalia