4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 11, 2017
Qarax ka dhacay caawa magaalada Muqdisho

 

Axad, June, 11, 2017 (HOL) – Qarax ayaa caawa la maqlay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxan oo ahaa miino gaarigiisa loogu xiray y sarkaal ka tirsan millitariga Soomaaliya.

Sarkaalka la weeraray ayaa la sheegay in uu qaraxa ka soo gaaray, dhaawac fudud, sidoo kalana waxaa la sheegay in qof dumar ah ku dhaawacantay

Qaraxan ayaa imanaya xili magaalada Muqdisho ay ka socdaan howlgalo ay sameynayaan ciidamada xisilinta caasimada.

Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in ciidan aan ahayn kuwa loo xilsaaray amniga aan lagu arki karin magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]