Madaxtooyada Soomaaliya : Waxaan burburinay saldhig Al-shabaab ku lahaayeen Saakoow
Axad, June, 11, 2017 (HOL) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu faah faahiyay weerar lagu qaaday
saldhig tababar oo ururka Al-Shabaab ay ku lahaayeen degmada Saakow ee gobolka Jubbada
dhexe..
War ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkan ay
fuliyeen ciidamada Soomaalida ee sidda gaarka ah u tababaran oo taageero ka
helaya ciidamada kale ee caalamiga ah, iyaga oo bartilmaameedsaday saldhigan oo
ahaa mid Al-shabaab u isticmaali jireen tababarada.
Madaxtooyada ayaa sheegtay in
hawlgalkaasi u dhacay si guul ah, isla markaana lagu burburiyey taliskii
Shabaab iyo weliba isku xidhkii sahayda.
‘’Tani waxaa ay si weyn u dhaawacaysaa awooddii ururka Al-Shabaab u yeelan
lahaa in ay weeraro cusub ku qaado meelo ka mida Soomaaliya ayaa lagu yiri
qoraalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in arrinta amnigu ay mudnaanta koowaad u tahay
xukuumaddiisa, isla markaana weerarkani uu kor u qaadayo ammaanka, hoosna u
dhigayo weeraradii ururka Al-Shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]